DHAGEYSO:Mid ka mid ah beeralayda Dadaab oo biyo la’aan ka cabanaya

0
209

Ibraahim Muxumad Badeed oo ka mid ah shacabka ku nool tuulada Maleeyleey ee deegaanka Dadaab waa beeraleey.
Waxaa beertiisa ka baxa geed mirood badan iyo dalagga qeybihiisa kala duwan.
Hasa ahaate waxaa uu ka cabanaya biyo la’aan uu wajahaya isagoo sheegay in beertiisa ay u baahan tahay in biyo gelin loo sameeyo sidoo kalana laga caawiyo abuurka beerta iyo dawooyinka beeraha.
Waxaa uu u warramay Maxamad Baaruud Xuseen oo ku booqday beertiisa oo ku taalla tuulada Maleeyleey ee Dadaab.