Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta kenyaanka ku hoggaamiyay munaasabad lagu aasayay meydka taliyihii guud ee ciidamada militariga dalka General Francis Omondi Ogolla.
Waxaa uu ka mid ahaa 10 sarkaal oo militari kuwaasi oo 18-kii bishan ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay ismaamulka Elgeyo Marakwet ee gobolka Rift Valley.
Meydka Ogolla ayaa lagu aasay ismaamulka Siaya.
Waxaa halkaasi lagu riday 19 rasaas sharafeed ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in qaranka uu ka baxay hoggaamiye militari oo ugu adeegayay si laga dheehan karo niyad iyo ka go’naansho.
Waxaa uu General Ogolla ku tilmaamay waddani lahaa shakhsiyad aad u dabacsan.
Sidoo kale waxaa uu ku sifeysnaa hufnaan sida uu madaxweyne William Ruto sheegay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in kaalintii taliyaha ay buuxin karaan mas’uuliyiin aan tiro ahaan badnayn.
Madaxweynaha ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in baaritaan qoto dheer lagu sameyn doono shilkii diyaaradeed ee ay ku geeriyoodeen taliyaha iyo 9-ka sarkaal ee kale.
Waxaa uu xusay in uunan wax shaki ah ka qabin awoodda ay ciidamada difaaca hawada ee Kenya Air Force u leeyihiin inay cadeeyaan sidii ay wax u dhaceen galinkii dambe ee Khamiistii.
Waxaa uu mar kale tacsi u diray qoyskii uu ka baxay General Ogolla.