Maxkamadda sare ee dalka ee laanteeda magaalada Eldoret ayaa si ku meel gaar ah u hakisay kal-fadhiyada golaha wakiillada hoose ee ismaamulka Uasin Gishu.
Arrintan ayaa timid ka dib markii kiis maxkamadeed ay gudbiyeen koox u ololeysa arrimaha bulshada kuwaas oo ka soo horjeestay inuu sii shaqeeyo fadhiyada golahaasi.
Garsooraha maxkamadda Eldoret Wananda Anuro ayaa go’aankan soo saaray ka dib markii uu dacwad soo gudbiyay Kimutai Kirui oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha.
Waxaa uu garsooraha amray in la hakiyo fadhiyada iyo howlaha golahaasi inta laga dhageysanayo dacwadda la soo gudbiyay iyo go’aan ka gaaristeeda.
Kimutai Kirui oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha oo maxkamadda u gubiyay kiiskan, ayaa dalbada in golahaaasi la xiro.
Waxaa uu ku andacoonaya in golahaaasi uu ku guuldareystay inuu buuxiyo shuruudaha dastuuriga ah ee matalaadda haweenka
Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa ka hadlay go’aanka maxkamadda.
Maxkamadda sare ee Eldoret ayaa laashay magaacabiista sagaal xubnood oo ka tirsan xisbiga talada wadanka haya ee UDA kuwaas oo si magacaabid ah ugu biiray golaha hoose ee ismaamulkaasi si ay u buuxiyaan shuruudaha saddex meelood labo meel ee dhanka jinsiyadda.
Dacwaddan ayaa la dhageysan doona 18-ka bishan.




