DHAGEYSO:Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir oo dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali

0
488

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday xukunka Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis Maxamad oo u geeriyootay dabka uu qabadsiiyay.
Maxkamadda oo kiiskan ka yeelatay saddex fadhi oo kala duwan ayaa ayidday xukunka maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Banaadir, waxayna Sayid Cali ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumad Luul, sida uu caddeeyay guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamad.

Sayid Cali Daa’uud ayaa haatan haysta fursad kale oo uu ku qaadan karo racfaan labaad, kuna aadi karo maxkamadda sare ee Soomaaliya, oo iyadu leh go’aanka ugu dambeeya, taas oo sii dheereyn karta kiiska.
Dhanka kale, ehelka Sayid Cali ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn xukunka maxkamadda, islamarkaana wiilkooda uu cadaalad u baahan yahay.

Sidoo kale, qareenkii matalayay dembiile Sayid Cali oo lagu magacaabo Abuukaate Cali Xalane ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda ka soo baxay ay wadahadal ka qaadan doonaan.