Guddi ka kooban saddex garsoore ayaa maanta billaabay dhageysiga dacwadaha ku saabsan xeerka maaliyadda ee sanadkan.
Kooxo kala duwan oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, ururka qareennada dalka ee LSK iyo senetarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah dhaqangelinta xeerkan.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay in 14 dacwadood oo loo soo gudbiyay ee ka dhan ah xeerka maaliyadda la dhageysan doono 13-ka iyo 14-ka bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Waxaa go’aankan maanta soo saaray xaakiinnada kala ah David Majanja, Christine Meoli iyo Lawrence Mugambi oo ay madaxa cadaaladda dalka Garsoore Martha Koome u soo magacowday dhageysiga dacwadaha ka dhanka ah xeerka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Act 2023.
Dhanka kale, maxkamadda sare ayaa diiday codsiga ah in guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula iyo dhiggiisa aqalka sare Amason Kingi wax laga weydiiyo ansixinta xeerka maaliyadda.
Codsigan oo uu gudbiyay senetarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah ayaa ku dooday in xeerka Finance Act 2023 aan laga qayb gelin golaha aqalka sare ee dalka.
Senetrarka Busia ayaa go’aanka maxkamadda ka dib warbaahinta la hadlay.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Maxkamadda oo bartamaha bisha Sagaalaad dhageysan doonta dhageysiga dacwadaha ka dhanka ah...