DHAGEYSO:Maxkamadda Kitale oo mamnuucday in xaruntaasi hub lala galo

0
241

Garsooraha maxkamadda sare ee dalka laanteeda magaalada Kitale ee ismaamulka Trans Nzoia ,Anthony Mrima ayaa sheegay in ay mamnuuc tahay in sarkaal aan xilligaasi shaqo ku jirin uu gudaha maxkamadda la soo galo hub.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in cid kasta oo hub sidata oo ay ka mid yihiin saraakiisha sare ee ammaanka la faraya in ay hubkooda dhigaan iridda maxkamadda si aynan mar kale u dhicin toogashadii 13-kii bishan Lixaad loo gaystay garsoorihii sare ee maxkamadda Makadara ee ismaamulka Nairobi Monica Kivuti.

Waxaa uu dhanka kale sheegay inuu jiro qorsho lagu dhisaya maxkamad labaad si loo yareeyo ciriiriga la xiriira helidda adeegyada waaxda cadaaladda.