Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa maanta xukun dil ah ku ridday Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysnaa inuu nolasha ku gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis Maxamad oo xaamilo ahayd, ka dibna geeriyootay.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa sheegay in eedeysanaha lagu helay inuu si kas ah u gubay xaaskiisa, isagoo daliishanayay caddeymaha laga soo ururiyay kiiskan.
Waxaa uu intaasi ku daray in xukunka lagu riday Sayid Cali Macallin Daa’uud inuu yahay qisaasta marxuumadda oo ahayd xaaskiisa.
Xukunka lagu riday eedeysanaha waxaa u furan inuu racfaan ka qaato, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda.
Qoyska marxuumadda ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda, iyagoo markii go’aanka lagu dhawaaqay sameeyay sacab mashxarad ah.
Lama oga in maanta la aasi doono marxuumadda oo weli ku jirta talaajad, iyagoo la sugayay go’aanka maxkamadda ka soo baxay.
Kiiska ayaa hadda u muuqda mid u sii gudbi doona maxkamadda racfaanka, haddii qareennada eedeysanaha ay ku qanci waayaan xukunka maxkamadda ay soo saartay.