DHAGEYSO:Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo askari xukun ku riday

0
559

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ee Militirga Soomaaliya ayaa Maanta waxaay xukun ku riday askari ka tirsan Ciidamada dowladda, oo qof Shacab ah ku dilay duleedka Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiran.
Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay Dable Galad Xaashi Warsame oo katirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya Gaar ahaan Nabad-Sugida, waxaana lagu helay dilka qof Shacab ahaa.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gashaale Maxamed Aamiin oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Dable Galad Xaashi Warsame lagu riday xukun dil toogasho ah.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27aad ayaa horay xukuno kala duwan ugu riday askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo xubno kamid ah dagaalameyaasha Al-Shabaab, kuwaasoo lagu helay dambiyo kala duwan.