Waxaa mararka qaar xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi ka dhaco howlgal ay fuliyaan ciidamada maamulka hoose ee caasimadda dalka kaaso ka dhan ah waratada.
Waxyaabaha lagu eedeyo ganacsatadan waxaa ka mid ah inay badeecooyinkooda dhigtaan meelo sharci darro ah oo hakad geliya isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka kala duwan.
Wakiil wareedka warbaahinta Star ee ismaamulka Nairobi Yuusuf Gaas ayaa wareystay hooyo ka mid ah waratada xaafadda Islii waxayna ka shekeynaysaa dhibaatooyinka maalinlaha ah ee ay wajahaan.