DHAGEYSO:Maxay tahay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka mid noqoto jaaliyadda EAC?

0
347

Shir madaxeedkii dalalka ku bahoobay dalladda Iskaashiga Dhaqaalaha ee jaaliyadda Bariga Afrika ee loo soo gaabiyo EAC ee ka socday magaalada Arusha ee dalka Tanzania ayaa la isku raacay in la dedejiyo xaqiijinta iyo dabagalka codsi ay Soomaaliya u gudbisay dalladan oo ay dooneyso in ay ku biirto.
Somaliya ayaa kal hore sidan oo kale u codsatay ku biirista dalladdan, hase yeeshee ma suurtagalin marna in loo soo diro guddi xaqiiqo raadin ah oo go’aan ka gaara in Soomaaliya ay buuxin karto shuruuradaha ku biirista dalladan.
Go’aanka ay madaxda EAC gaareen ayaa ka dhigan in hannaanka ay Soomaaliya ugu biireyso dalladan uu bilowday, muddo laba sanadood ahna uu qaadan karo.
Dhanka kale Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalladda Bulshada Bariga Afrika ee EAC.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar ayaa arrintan uga warramay mid ka mid warbaahinnada afka soomaaliga ku hadla