Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo uu weheliyo taliyaha saldhigga garoonka Aadan Cadde ayaa sagootiyay Cismaan Nuur Xaaji Mucalimu, oo ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo oo maanta gelinkii dambe ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Cismaan Nuur Xaaji Mucalimuu oo warbaahinta garoonka kula hadlay ayaa ammaan iyo mahadnaq u jeediyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku ammaanay tallaabooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay qaaday gaar ahaan ka miro dhalinta hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay inuu dhaqan galay amar ka soo baxay ra’iisul wasaaraha oo aynan wax dhibaato ah ka jirin garoonka Aadan Cadde.
Cismaan Nuur Mucalimuu guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ayaa dhowaan laga celiyay inuu ka dhoofo garoonka taasi oo keentay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaado taliyaha nabad sugidda garoonka iyo agaasimaha shaqaalaha hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.