DHAGEYSO:Mas’uuliyiin doonaya in la dardargeliyo buuxinta xilalka IEBC

0
240

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamullada Tana River, Marsabit iyo Isiolo ayaa ku baaqay in la dedejiyo geeddisocodka lagu buuxinaya jagooyinka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC.
Waxay hoosta ka xarriiqeen inay jiraan muranno badan oo dhanka xuduudda ah oo ay xallin karto IEBC.

Ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkii saraakiishii sare ee IEBC ee uu hoggaaminayay Wafula Chebukati ayaan weli xilalkaasi la buuxin.
Waxaa muran siyaasadeed la geliyay qaabka lagu soo xushay guddi loo xil saaray shaqaaleysiinta howlwadeennada cusub ee IEBC.