Marwada koowaad ee dalka Rachel Ruto ayaa shacabka ugu baaqday inay dowladda ku taageeraan qorshaha lagu beeraya geedo badan si loo qafiifiyo saameynta ka dhalata isbeddelka cimillada.
Xilli ay ku sugnayd ismaamulka Trans Nzoia ayay haweenka ugu baaqday inay ka tanaasulaan isticmaalka dhuxusha si aan dhirta loo xaalufin.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulkaasi Gideon Oyagi ayaa dhankiisa sheegay in ilaa iyo hadda la abuuray in ka badan 500,000 oo geedo ah.
Sanadkii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka uu daahfuray qorsho tobanka sano ee nagu soo aaddan gudahooda lagu beeraya 15 bilyan oo geedo ah.




