DHAGEYSO:Martha Karua oo isku soo bax ku qabatay Laikipia

0
448

Martha Karua oo 16-kii bishan loo magacaabay ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga ayaa isku soo bax siyaasadeed ku qabatay dowlad deegaanka Laikipia.
Waxay dadweynaha ku boorrisay inay aad uga fiirsadaan cidda ay 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan u dooranayaan hoggaanka ugu sarreeya wadanka.
Martha Karua ayaa ballanqaaday in haddii Azimio ay ku guulaysato madaxtinnimada dalka , ay sameyn doonaan isbeddelo ballaaran oo dhanka dhaqaalaha ah iyadoo si wayn loola dagaallmaya musuqmaasuqa .