DHAGEYSO:Martha Karua oo ballanqaaday la dagaalanka musuqmaasuqa

0
328

Madaxa xisbiga Narc Kenya Martha Karua oo uu dhawaan musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga u magacaabay ku xigeenkiisa ayaa ballanqaaday in haddii hoggaanka dalka ay qabtaan ay si wayn ula dagallami doonaan falalka wax isdaba marinta.
Xilli ay shalay ku sugnayd ismaamulka Kirinyaga oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedo ayay arrintan sheegtay.
Waxay hoosta ka xarriiqday in diiradda saari doonto dhaqangelinta ballanqaadyada horumarineed ee ay Kenyaanka u sameynayaan iyada iyo Raila.