DHAGEYSO:Magaalo ku taalla dalka Soomaaliya oo halis ugu jirta inay guud ahaan ay aasanto

0
788

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dunida oo ay saameynta ku yeelatay isbeddelka cimilada, iyadoo xilligan uu ka jiro abaaro baahsan, biyo la’aan iyo nabaadguur.
Magaalada Dicowda ee dhacdo waqooyiga bariga gobolka Mudug, waa magaalo xeebeed oo 25 kiilomitiri u jirta magaalada Garacad.
Waxaa ay magaaladan qarka u saarantahay in aasanto guud ahaan, maadaama uu ka saramaray bacaadka, waxayna ka mid tahay magaalooyinka Puntland oo ay ka dhacday duufaanta.
Guud ahaan adeegyada bulshada ayaa xirmay sida waddooyinka, goobaha caafimaadka iyo waxbarashada.
Sidoo kale waxaa dugmay ceelashii biyaha iyo guryaha, islamarkaana magaaladaasi ay ku soo hareen tiro yar oo dad ah, maadaama ay bacaad noqotay.
Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo ka soo jeeda deegaankaasi oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in dowladda federaalka, maamullada Puntland iyo Galmudug iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed in il gaar ah ku eegaan xaaladda ka taagan magaaaldan oo bacaad darteed looga barakacay.