DHAGEYSO:Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay saldhigyada ciidmada dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen ATMIS

0
294

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinayay munaasabada 1-da Luulyo ayaa ka hadlay saldhigyada ciidmada dowladda ay kala wareegeen howlgalka midowga Afrika ee ATMIS.
Waxaa uu sheegay in askariga ugu dambeeya ee ATMIS uu Soomaaliya macasalaameyn doona dabayaaqada sanadka 2024-ka.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inay billaabatay in qaar ka mid ah goobihi ATMIS ay la wareegeen ciidanka qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inaysan dowladdu fulin karin ballanqaadayadeeda haddii aysan helin taageerada shacabka kuna filneyn maamulka dalka.

Waxaa uu dhanka kale bogaadiyay in magaalooyinka gaar ahaan Laascaanood sida maamuuska leh ee looga xusay maalinta xurnimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo.