DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay inuu kordhi doono dakhliga laga helo caanaha

0
154

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in labo bilood gudahooda uu kordhi doono macaashka xoolo dhaqatada ka ganacsada caanaha.
Mr. Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay qaaday tallaabooyin arrinkan ku aaddan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in warshadda caanaha ee KCC loo qoondeeyay lacag dhan 900 oo milyan oo shilin si ay caanaha ugu iibsato 50 shilin halkii liitar laga billaabo 1-da bisha Saddexaad ee sanadkan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in bilooyinka nagu soo aaddan gudahooda uu qiimaha liitarkii noqdo 60 shilin.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa xoolo dhaqatada ku boorriyay inay caanahooda ka iibiyaan warshadda cusub ee soo saaridda caanaha ee New KCC si uu dhakhli dheeraad ah u soo galo.

Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Trans Nzoia.