DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay inay diiradda saarayaan wanaajinta nolosha shacabka

0
303

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dowladda talada haysa ay diiradda saareyso wanaajinta nolosha dadweynaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaynan marnaba caqabad ku noqon doonin shakhsiyaad uu sheegay inay carqaladeynayaan howlaha dowladda.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kericho ayuu Gachagua xusay in madaxweynaha dalka uu dejiyay qorsho ballaaran oo lagu horumarinayo qaranka.
Waxaa uu ku celceliyay in aan marnaba laga weecin doonin ka shaqeynta danta guud .
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sidoo kale guddoomiye xaafadeedyada iyo ku xigeenadooda ku amray inay si wayn ula dagaallamaan isticmaalka daroogada.
Waxaa uu ku boorriyay inay ka soo baxaan waajibaadka qaran ee loo igmaday ee ah u adeegidda shacabka oo aynan ku lug yeelan arrimo siyaasadeed.