DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo sheegay in booliiska ay hubkooda isku difaaci karaan

0
341

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua oo shalay ku sugnaa ismaamulka Samburu ayaa taageeray hadal uu dhawaan jeediyay taliyaha guud ee ciidamada booliiska wadanka Japthet Koome.
Abaanduulaha iyo wasiirka arrimaha gudaha Prof.Kithure Kindiki ayaa saraakiisha ammaanka kula taliyay inay hubkooda isku difaacaan haddii ay khatar kala kulmaan dambiile.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa baaqan soo dhaweeyay isagoo carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in sarkaalka amniga uu naftiisa difaaco si uu dadweynaha u badbaadiyo.
Waxaa uu digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda inay cabsi geliso ciidamada ammaanka iyadoo sidata hub sharci darro ah.

Waxaa uu dhanka kale xusay in dowladda dhexe ay sugi doonto ammaanka ismaamullada Samburu, Baringo, West Pokot, Laikipia, Elgeyo Marakwet iyo Turkana oo ay saameeyeen falalka burcadnimo iyo dhaca xoolaha.