Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof.Kithure Kindiki ayaa siyaasiyiinta ugu baaqay in ay dhageystaan oo ay xalliyaan tabashooyinka dadka soo doortay .
Waxaa uu madaxweyne ku xigeenkii hore ee waddanka Rigathi Gachagua ka dalbaday in uunan sameyn kicin dadweyne.
Xill uu ku sugnaa deegaanka Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu ayuu Prof. Kithure Kindiki ku baaqay in laga wada shaqeeyo xoojinta midnimada iyo wadajirka.
Waxaa uu Gachagua ka codsaday in dhaliilaha uu u jeedinaya dowladda ay noqdaan kuwo wax xallinaya.
Hoggaamiyaha labaad ee qaranka ayaa ku celceliyay in madaxda laga doonaya in ay is qadariyaan.