DHAGEYSO:Madaxweyne ku xigeenka dalka oo amray la dagaalanka isticmaalka daroogada

0
276

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa saraakiisha maamulka ee matalaya dowladda dhexe ee ku sugan ismaamullada amar ku siiyay inay si wayn ula dagaalamaan ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in dhibaato wayn oo arrinkan la xiriirta ay ka jirto gobolka bartamaha wadanka.
Waxaa uu sidoo kale ku baaqay in dowladaha ismaamullada ay xakameeyaan bixinta leesimada goobaha lagu caweeyo sida baararka.
Hoggaamiyaha labaad ee wadanka ayaa sheegay in haddii aan caqabaddan wax laga qaban ay daroogada galaafan karto nolosha da’yar badan.

Hadalkan ayuu shalay ka jeediyay ismaamulka Murang’a oo uu uga qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay barnaamijka ardayda looga bixiyo qarashaadka waxbarashada.