DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo ugu baaqay maamul goboleedyada hirgelinta heshiiska doorashada

0
818

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo xalay jeediyey khudbad ku saabsan xaaladda guud ee dalkaasi iyo doorashooyinka, ayaa Madaxda maamul goboleedyada ku adkeeyey hirgelinta jadwalka doorasho ee isla qaateen.
Waxaa uu ka war-bixiyey guulaha la taaban karo ee laga xaqiijiyey dib-u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ay u difaacayaan Dalka iyo halgankooda ka dhanka ah la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada

Mr. Farmaajo ayaa ka war-bixiyey hannaanka siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo Madaxbannaanida wadanka, taasoo horseedday in Soomaaliya si mug leh uga dhex muuqato fagaareyaasha Caalamka.

Waxaa uu dhanka kale soo dhaweeyay qodobbadii kasoo baxay Shirkii Golaha wadataahiga qaran ee dhawaan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, isagoo ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in midnimada iyo wadajirku ay fure u yihiin jiritaanka iyo awoodda qarannimo, isagoona xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka Hooyo ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ku boorriyay dhamaan hay’adaha iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay dhowraan hantida shacabka Soomaaliyeed ayna ka fogaadaan waxkasta oo musuq keenaya.