Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka la wadaagay farriinta sanadka cusub ayaa sheegay in toddobadii bilood ee ugu dambeeyay ay dowladdu dadaal ku bixisay arrimaha ammaanka gaar ahaan la dagaalanka Al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in sanadkan cusub ay rajeynayaan inuu noqon doono sanadkii dalka Soomaaliya uu ka xoroobi lahaa argagixisannimada dowladdana ay u jihaysan laheyd adeeg iyo waxqabad.
Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday qorshaha ay ciidamada Soomaaliya mas’uuliyadda amniga ay dhammaadka sanadka 2024-ka ay si buuxda ugala wareegi doonaan howlgalka nabadsugidda.
Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in sanadkan la soo gabagabeyn doono qorshaha deyn cafinta iyo in Soomaaliya ay ku biirto suuqa bariga Afrika.
Sidoo kale waxaa uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay shir ay yeesheen Maraykanka iyo waddamada Afrika si badeecooyinka laga soo saaro gudaha Soomaaliya dibadda loogu iibgeeyo.