DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo ka caafimaaday COVID-19

0
387

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay xaaladda Caafimaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo ka hor laga helay xanuunka COVID-19 oo haleelay, xili uu ka yimid Imaaraadka.
Afhayeenka madaxtooyada ,Cabdikariin Cali Kaar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh ka dib laga waayay COVID-19, isla markaana xaaladdiisa Caafimaad ay tahay mid wanaagsan.
Wuxuu caddeeyay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu ka soo bogsaday xanuunkii COVID-19 ee haleelay, uuna wato shaqada uu qaranka u haayo, isagoo raacaya tilmaamaha Caafimaad ee ka hortega COVID-19.