Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mas’uuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Isbeheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee ciidda Carafo.
Waxaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la dagaallanka kooxda Al-Shabaab iyo musuqmaasuqa, islamarkaana ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta kooxo uu ku tilmaamay argagixisada iyo kuwa caadeystay xatooyada hantida dadweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanka kale digniin adag u diray dadka dhaqaalaha ku kaalmeeya kooxda Al-Shabaab.