DHAGEYSO:Madaxweynaha oo sheegay in la xakameeyay culeyska deymaha

0
270

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku guulaystay xakameynta qaadashada amaahda shisheeye.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu kenyaanka u xaqiijinaya in dowladdu ay sameynaysa dadaal kasta oo lagu xasilinaya dhaqaalaha dalka.
Dr. Ruto ayaa xusay in tallaabooyinka dhanka wax soo saarka ee ay dowladdu qaaday ay dhiirigelin u noqdeen beeralayda si ay u kobciyaan soo saaridda cunnada.
William Ruto ayaa sheegay in sida lagula tacaali karo qiimaha sarreeya ee maciishadda ay tahay in sare loo qaado wax soo saarka beeraha si loo maareeyo qiimaha lagu kala iibsado cuntooyinka.