DHAGEYSO:Madaxweynaha oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin dhacdooyinka lagu weeraro booliiska

0
271

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in aanan marnaba loo dulqaadan doonin dhacdooyinka lagu waxyeeleeyo ciidamada ammaanka.
Waxaa uu dhallinyarada uga digay in siyaasiyiinta ay u adeegsadaan inay saraakiisha booliiska ku tuuraan dhagaxaan iyo waxyaabo kale.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in hadda ay isbitaallada ku jiraan qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka oo ku dhaawacmay la tacaalidda dibadbaxyada.
Waxaa uu xusay in aynan jirin cid sharciga ka sarreysa oo booliiska dhankooda laga doonaya inaynan shacabka ku xadgudbin balse aynan marnaba ka gaabin karin waajibaadka ka saaran badbaadinta nolosha shacabka iyo hantidooda.

Sidoo kale dhammaan madaxda ayuu ka codsaday inaynan caqabad ku noqon horumarka qaranka oo aynan si qaldan u adeegsan dhallinyarada siyaasad ahaan taabacsan.