Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro ismaamulka Isiolo si uu uga qayb galo munaasabad kaniiseed.
Madaxweynaha oo tan iyo bishii Siddeedaad ee sanadkii hore markii ugu horreysay tagaya dowlad deegaankaasi ayaa la filaya inuu shacabka kula hadlo fagaaraha Isiolo Stadium.
Qaar ka mid ah shacabka Isiolo ayaa madaxweynaha ka codsaday in socdaalkiisa uu xal ugu raadiyo falal amni darro oo ay ka cabanayaan.