DHAGEYSO:Madaxweynaha oo faahfaahin ka dalbaday wasiirro ka soo dib dhacay xaflad uu hoggaaminayay

0
476

Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa faahfaahin qaab qoraal ah ka dalbaday wasiirro ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki iyo dhigiisa ganacsiga Moses Kuria oo maanta ka soo dib dhacay barnaamij uu hoggaaminayay.
Mas’uuliyiintan ayaan loo oggolaan inay saxiixaan heshiiska waxqabadka.
Waxaa uu sheegay in shakhsiyaadkan aynan muujin in barnaamijka la qabanayay uu muhiimad u leeyahay sababtoo ah waxay ilaalin lahaayeen waqtiga sida uu hadalka u dhigay.
Ruto ayaa sheegay in dib u dhacooda ay la micno tahay inay iyaga shaqada iska eryeen.
Waxaa uu u sheegay in marka ay sharaxayaan sababta ay kulankaasi uga soo daaheen aynan cuskan karin ciriiri dhanka isku socodka gaadiidka ah oo saameeyay.
Waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay madaxweyne ku xigeenka dalka , Rigathi Gachagua oo wasiirrada u sheegay in saaxiibtinnimada kala dhexeysa madaxweynaha ay ku saleysan tahay waxqabad wanaagsan.