DHAGEYSO:Madaxweynaha oo berri kulan la qaadanaya siyaasiyiinta Kenya Kwanza

0
214

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa isugu yeeray kulan ay siyaasiyiinta baarlamaanka ku matalo isbeheysiga wadanka hoggaamiyo ee Kenya Kwanza ay Talaadada soo socoto ku yeelan doonaan xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi.
Kulankan ayaa noqonaya midkii 6-aad tan iyo markii uu hoggaanka wadanka qabtay.
Shirkii ugu horreeyay ee noocani ah ayaa qabsoomay 11-kii bishii Afaraad ee sanadkan.
Madaxweynaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in shirkan looga arrinsan doono qorsheynta mashaariicda horumarineed ee laga fulinaya ismaamullada dalka iyo wax ka qabashada heerka shaqa la’aanta.
Ruto ayaa sheegay inuu xeer dejiyaasha kala tashan doono sida mid waliba oo ka mid ah deegaannada hoose ee dalka looga hirgelin karo xarun tiknolojiyadeed oo ay dhallinyarada ka heli karaan shaqooyinka dhijitaalka ah.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in isaga iyo barasaabyada ismaamullada ay ku heshiiyeen in la sameeyo xarumaha sare loogu qaadaya wax soo saarka beeraha iyo warshadaha iyo in deegaan baarlamaneed kasta uu suuq lahaado.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale sheegay in sanad waliba ay dowladda dhallinyarada u abuuri doonto fursado shaqo oo ah ilaa hal milyan iyadoo loo maraya mashruuca guriyeynta.

William Ruto ayaa dhanka kale guddoomiye xaafadeedyada iyo ku xigeenadooda ku amray inay safka hore uga jiraan dagaalka ay dowladdu wado ee ka dhanka ah balwadda.