DHAGEYSO:Madaxweynaha oo amray in la kordhiyo mushaarka ugu hooseeya ee shaqaalaha

0
406

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa amar ku bixiyay in la kordhiyo mushaarka ugu hooseeya ee la siiyo shaqaalaha.
Waxaa uu khudbadiisa xuska 59-aad ee maalinta shaqaalaha ee Labour Day uu ku sheegay in tani looga gol-leeyahay in howlaheennada la siiyo mushaar u dhigma inta ay ku biiriyaan dhaqaalaha wadanka.
Xuska Labour Day oo sanad waliba loo dabbaal dego 1-da bisha Shanaad ee May ayaa lagu qabtay beerta Uhuru Garden ee ismaamulka Nairobi.
Madaxweynaha ayaa wasiiradda wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada , Florence Bore ku amray in ay dardargeliso geeddisocodka ugu yaraan boqolkiiba 6 lagu kordhinaya qiimaha mushaarka ee ugu hooseeya.
Waxaa uu ku baaqay in maamullada kala duwan gaar ahaan wasaaradda shaqaalaha ay isugu yeerto kulanka guddiga arrintan ka wada hadlaya si loo dhaqangeliyo amarka uu maanta ku dhawaaqay.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo sidoo kale dhakhaatiirta ka codsaday in ay shaqo joojinta soo afjaraan ayaa xilli uu arrintan ka hadlayay yiri.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Xoghayaha Guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU, Francis Atwoli uu madaxweyne William Ruto ka codsaday in shaqaalaha loo kordhiyo mushaarka ugu hooseeya ee la siiyo.