DHAGEYSO:Madaxweynaha Kenya: Ma jiro gobol ka mid ah wadanka oo arrimo siyaasadeed lagu takoori doono

0
402

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa machadka farsamada ee deegaanka Uriri ee ismaamulka Migori sheegay in la xalliyay caqabadihii ku hor gudbanaa manhajka waxbarashada ee wadanka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay inuunan jirin gobol ka mid ah wadanka oo arrimo siyaasadeed lagu takoori doono marka la eego fulinta mashaariicda horumarineed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mowqifka maamulkiisa uu yahay in dhammaan deegaannada dalka horumar la gaarsiiyo iyadoo aan la eegayn garabka siyaasadeed ee ay shacabka halkaasi ku nool taabacsan yihiin.