Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ku dadaali doonto sidii loo soo afjari lahaa culeyska dhanka deymaha ee uu wadanka wajahaya tani oo uu xusay inay saameynaysa bixinta adeegyada .
Dadweynaha ayuu dhanka kale ku boorriyay inay dhir beeraan si loola tacaalo saameynta isbeddelka cimillada.
William Ruto ayaa tilmaamay in maamulka Kenya Kwanza ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa kenyaanka dabaqadda hoose uga mahadceliyay bixinta canshuuraha isagoo sheegay in la xaqiijin doono in cid waliba ay canshuurta bixiso.