Madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ayaa digniin u diray siyaasiyiinta ismaamulka Meru ee uu is qabqabsiga ka dhexeya.
Waxay sheegeen in is jiidjiidka soo noqnoqday ee barasaabka dowlad deegaankaasi Kawira Mwangaza iyo wakiillada golaha hoose aynan dani ugu jirin dadweynaha .
Guddoomiyaha Meru ayaa dhankeeda sheegtay inay jiraan shakhsiyaad kooban oo carqaladeynaya howlaha horumarka oo sida ay hadalka u dhigtay aan weli garwaaqsan in ismaamulkaasi ay haweeney hoggaamiso.
Hasa ahaate hoggaamiyaha dalka iyo ku xigeenkiisa ayaa madaxda ku boorriyay inay diiradda saaraan danta guud oo ay ka heshiiyaan waxyaabaha ay ku kala aragti duwan yihiin.