Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa weli wado dhaliilaha uu u jeedinaya waaxda cadaaladda ee dalka.
Xilli uu ku sugnaa deegaanka Kuresoi ee ismaamulka Nakuru ayuu hoosta ka xarriiqay in shaqaalaha waaxdan ay caqabad ku noqdeen hirgelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda sida caafimaadka iyo guriyeynta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in barnaamijka guriyeynta ee dowladda uu shaqooyin u abuuray kumanaan qof oo kenyaan ah.
William Ruto ayaa ku doodaya in shakhsiyaad dano gaar ah leh ay kaashanayaan waaxda cadaaladda si maamulkiisa uunan ugu guulaysan dhaqangelinta qorshayaasha horumarineed.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo barasaabka ismaamulka Nakuru Susan Kihika ayaa dhankooda madaxweynaha ugu baaqay inuu diiradda saaro fulinta waxyaabihii uu u ballan qaaday kenyaanka oo uunan marnaba cidna ka oggolaan in ay carqaladeyso geeddisocodka horumarineed ee dalka.