DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo u safraya Kuuriyada Koonfureed

0
356

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa caawa u ambabaxaya caasimadda wadanka Kuuriyada Koonfureed ee Seoul.
Xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Bungoma ayuu shaaca ka qaaday safarka uu ku tagaya dalkaasi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in safarkiisa uu ku saleysan yahay sidii uu u soo heli lahaa taageero dhaqaale oo dhan 40 bilyan oo shilin oo ay Kuuriyada Koonfureed ballan qaadday in ay ku horumarinaysa hal-abuurka dhallinyarada iyo ilaa 25 bilyan oo shilin oo lagu dhisaya ceelasha biyaha.
Madaxweyne William Ruto ayaa dhigiisa Kuuriyada Koonfureed ,Yoon Suk Yeol la soo saxiixan doono heshiis ku saabsan in ilaa 10,000 oo dhallinyaro kenyaan ah ay fursado shaqo ka helaan wadankaasi.

Waxaa uu dhanka kale faahfaahin ka bixiyay heshiisyo ay Kenya iyo Maraykanka wada saxiixdeen xilli uu dhawaan dalkaasi safar ku tagay oo ay ka mid tahay in deegaanka Naivasha ee ismaamulka Nakuru laga hirgeliyo xarunta macluumaadka iyo in Kenya oo kaashanaysa shirkado kale ay soo saarto agabka kombiyuutarrada iyo taleefoonnada.

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House, Xuseen Maxamad ayaa bayaan ku sheegay in madaxweynaha uu ka qayb geli doono shir madaxeedka dalalka qaaradda Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed.
Waxaa shirkaasi looga hadli doonaa dano ka dhexeeya Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed sida horumarinta ganacsiga , warshadeynta, horumarinta kaabayaasha, shaqo abuurka, wax soo saarka beeraha, ka falcelinta saameynta isbeddelka cimillada iyo in loo gudbo isticmaalka tamar nadiif ah oo aan hawada wasaqayn.
Xuseen Maxamad ayaa laga soo xigtay in inta uu madaxweyne William Ruto ku sugan yahay Kuuriyada Koonfureed uu dhigiisa wadankaasi Yoon Suk Yeol kala hadli doono in dib loo eego guulaha laga gaaray heshiis iskaashi oo ku kacaya 132 bilyan oo shilin oo ay dowladahan wada saxiixdeen bishii 11-aad ee sanadkii 2022-kii.
Sidoo kale , labada madaxweyne ayaa wada saxiixan doono heshiisyo iskaashi oo ay ka mid yihiin kuwa dhanka caafimaadka, beeraha iyo ICT-da.
Kenya ayaa Kuuriyada Koonfureed la kaashanaysa sidii loo ballaarin lahaa fursadaha tiknolojiyadeed.
Xuseen Maxamad ayaa bayaanka ku sheegay in Kenya ay sidoo kale kaashan doonto machadka caalamiga ee tallaalka si ay ugu guulaysato hadafkeeda la xiriira soo saaridda daawooyinka.
Safarka madaxweynaha ayaa sidoo kale ku saleysan in labada dowladood ay xoojiyaan wada shaqeyntooda dhanka dhaqaalaha.