DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo soo dhaweeyay wada hadal ay soo jeedisay madaxa cadaaladda dalka

0
197

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inuu diyaar u yahay hoggaaminta wada hadal ay yeelanayaan golaha fulinta ee dowladda iyo waaxda cadaaladda .
Tani ayaa timid ka dib markii shalay madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ay soo jeedisay in labada laamood ee dowladda ay ka wada xaajoodaan tabashooyinka u dhexeya.
William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nandi ee gobolka Rift Valley hoosta ka xarriiqay inuu soo dhaweynaya talada Koome si xal loogu helo musuqmaasuqa.

Waxaa uu mar kale carrabka ku adkeeyay in ay qirayaan oo ay taageerayaan madax bannaanida dastuuriga ah ee waaxda garsoorka ee dalka .
Hoggaamiyaha Kenya ayaa xusay in ay jiraan garsoorayaal badan oo waajibaadkooda shaqo uga soo baxo si waafaqsan xeerarka degsan balse ay la dagaallamayaan oo aynan marnaba ka gaabin doonin la tacaalidda howlwadeennada waaxda cadaaladda ee sida uu hadalka u dhigay sameynaya musuqmaasuqa si ay u carqaladeeyaan horumarka qaranka iyagoo garab siinaya shakhsiyaad leh dano gaar ah.
Hadalka madaxweynaha dalka ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu dhanka kale hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya Raila Odinga waaxda garsoorka ee dalka uga digay in ay wax wada xaajood ah la yeelato golaha fulinta ee dowladda dhexe.
Mr. Odinga ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Vihiga sheegay in wada hadallada ay caqabad ku noqon karaan waaxda cadaaladda ee dalka.
Waxaa uu ku celceliyay in garsoore Martha Koome iyo xaakinnada la shaqeeyo laga doonayo inay waajibaadkooda u gutaan si madax bannaan.
Raila Odinga ayaa sheegay in aynan jirin baahi keenaysa in waaxda garsoorka ay la xaajooto madaxweyne William Ruto.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa madaxweynaha ku cambaareeyay dhaliilaha uu u jeedinaya waaxda cadaaladda ee dalka wuxuuna sheegay in qofka ay racfaan u furan tahay haddii uunan ku qancin go’aan maxkamadeed.
Raila Odinga ayaa kenyaanka ku boorriyay inay si adag u difaacaan dastuurka dalka.
Waxaa uu madaxweynaha dalka ugu baaqay inuu ixtiraamo waaxda garsoorka isagoo u sheegay in haddii uunan sidaasi sameyn in iyagana aynan qadarin doonin wax kasta oo uu madaxweynaha sheego.
Raila Odinga ayaa soo jeediyay in madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome laga doonayo keliya inay golaha fulinta ee dowladda ku amarto inuu u hoggaansamo go’aamada maxkamadaha.
Waxaa uu xusay in haddii ay wada hadallo qabsoomayaan in loo baahan yahay in wada xaajoodyada ay qayb ka noqdaan saamileyda kala duwan sida xisbiyada siyaasadeed.
Mr. Odinga ayaa dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ku dhaliilay hadalkii uu jeediyay ee ahaa inuu dacwad ka gudbin doono garsoore Esther Maina.
Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ayaa tilmaamay in kiiskii uu Gachagua wajahayay maxkamadda looga saaray qaab siyaasadeysan.