DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo soo dhaweeyay boqorka Ingiriiska

0
308

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay boqorka Ingiriiska King Charles III iyo marwadiisa Queen Camilla.
Waxaa lagu soo dhaweeyay salaan iyo rasaas sharafeed 21 ah oo loo riday.
Xalay ayay wadanka ku yimaadeen safar afar cishe ah waxaana gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda Musalia Mudavadi.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in Kenya ay farxad u tahay inay qaabisho boqorka Ingiriiska maadaama ay labada waddan wadaagaan arrimo badan.
Dhanka kale Daniel Lelimo oo ka mid ah xubnaha Qoyska Koitalel Arap Samoei oo la dilay xilligii guumaysigii Ingiriiska ayaa boqorka ugu baaqay inuu ku dadaalo sidii ay deeq waxbarasho uga heli lahaayeen dibadda.