Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga wadanka hoggaamiya ee Kenya Kwanza gaar ahaan kuwa xisbiga UDA ku boorriyay in aynan siyaasad ku mashquulin.
Waxaa uu u sheegay in laga doonayo inay hadda xoogga saaraan u adeegidda shacabka oo aynan ku mashquulin mustaqbalkooda siyaasadeed.
William Ruto ayaa siyaasiyiinta ka codsaday in ay isaga iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua garab ku siiyaan oofinta waxyaabihii ay kenyaanka u ballan qaadeen xilligii ololaha doorashada ee sanadkii 2022-kii.
Madaxweyne William Ruto oo baaq gaar ah u dirayay siyaasiyiinta da’yarta ah ayaa kula taliyay inay ka tanaasulaan siyaasadda ku saleysan maamul lala kala wareego.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ay diyaar u yihiin in ay madaxda ay siyaasad ahaan ka waaya aragsan yihiin siiyaan hagid iyo la talin balse aan xilligan la joogin waqtigii laga hadli lahaa yaa hoggaan sare qabanaya doorashada guud ee xigta.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Bartamaha dalka oo uu hor kacayay senatarka ismaamulka Murang’a Joe Nyutu ay soo jeediyeen in marka la gaaro sanadka 2027-da in xildhibaanka deegaanka Kiharu Ndindi Nyoro uu beddelo Gachagua oo uu madaxweyne ku xigeen u noqdo William Ruto taasi oo hadal hayn abuurtay.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dowladda ay dib u habeyn ballaaran ku sameynaysa machadyada lagu barto culuunta farsamada.
Waxaa uu xusay in ujeeddada arrinkan laga leeyahay ay tahay in dhallinyarada ay helaan xirfado ay uga qayb qaadan karaan horumarka qaranka.
William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu qalabeynaya xarumaha lagu barto culuunta farsamada gacanta.
Waxaa uu xusay in la shaqaaleysiinaya 2,000 oo barayaal ah si machadyada farsamada ee TVETs looga haqabtiro baahiyaha dhanka tirada tababarayaasha.
Hoggaamiyaha dalka ayaa tusaale u soo qaatay mashruuca ay dowladdu ku dhisaysa guriyaha tayo ahaan wanaagsan ee ay kenyaanka ku degi karaan qiimo ay awoodaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mashruucan uu shaqo abuur u noqday dhallinyaro badan oo xirfadlayaal ah.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu deegaanka Gilgil ee ismaamulka Nakuru si rasmiga ah uga furayay machadka lagu barto farsamada.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan deegaannada hoose ee wadanka laga hirgelinaya xarumaha ICT-da si dhallinyarada ay uga helaan xirfado ay qaab online ah ugu shaqeysan karaan.
Waxaa uu tilmaamay in qorshaha dowladda uu yahay in hal milyan oo dhallinyaro ah ay helaan shaqooyinka casriga.
Madaxweynaha waxaa maanta socdaalkiisa Nakuru ku wehelinayay ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, wasiirka tacliinta Ezekiel Machogu, barasaabka ismaamulka Nakuru Susan Kihika, xildhibaano uu hor kacayay hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kimani Ichung’wah iyo wakiillada deegaannada hoose ee Nakuru.