DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo si adag uga hadlay dilal ka dhacay magaalada Sondu

0
236

Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta gaaray gobolka Nyanza ayaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ku amray inuu wax ka qabto dadka ka dambeeya isku dhacyada laga soo tabiyay magaalada Sondu ee ku taalla xadka ismaamullada Kisumu iyo Kericho.
Waxaa uu Ruto sheegay in maamulkiisa uunan marnaba oggolaan doonin in shakhsiyaad kooban ay dib u dhac u horseedaan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa degaanka Nyando ka sheegay inuu wasiirka arrimaha gudaha ku amray in shakhsiyaadka dilalka iyo burburinta hantida shacabka ka gaystay Sondu uu ula dagaallamo sida kooxda Al-Shabaab iyo kuwa dhaca xoolaha ee Waqooyiga Rift Valley.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda toddobo qof ay ku dhinteen isku dhacyadaasi.