Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in la guda geli doono qorsho lagu xallinaya caqabad dhanka biyaha ah oo ka jirto xaafadda Pipeline ee magaalada Nairobi.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale raaligelin ka bixiyay howlgallo horay guriyo ay degganaayeen looga burburiyay bulshada ku nool xaafadda isku raranta ah ee Mukuru .
Waxaa uu tilmaamay in kastoo saraakiishii dowladda ee falkaasi ku lugta lahaa tallaabo sharciyeed laga qaaday haddana maadaama uu yahay hoggaamiyaha dowladda uu dadweynaha ka raali gelinaya dhibaatooyinkii la gaarsiiyay.
Mr. Kenyatta ayaa caddeeyay in marka la dhameystiro geeddisocod dhanka sharciyeynta ah oo socdo si cadaalad ah loo bixin doono sabar loogooyin la siinaya qoysaska rasmiga ee muddo dheer halkaasi degganaa.




