DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in sare loo qaadaya uruurinta canshuurta

0
272

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Meru waxaa uu sheegay in isbeheysiga talada haya ee Kenya Kwanza uu sii wadi doono inuu canshuurta uruuriyo si sare loogu qaado dakhliga wadanka soo galo.
Ruto ayaa tusaale u soo qaatay xilligii uu dalka hoggaaminayay madaxweynihii saddexaad Mwai Kibaki oo uu sheegay in dhaqaale badan oo ay Kenya heshay awgeed ay suuragashay in la fuliyo mashaariic wayn oo horumarineed.
Madaxweynaha dalka ayaa ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in la bixiyo deymaha shisheeye ee lagu leeyahay qaranka oo aan mar dambe loo baahan qaadashada amaahdan si aynan saameyn ugu yeelan wadanka.

Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayaa ka hadlay shaqo la’aanta dhallinyarada iyo falalka amni darro ee ka dhaca qaybo ka mid ah wadanka