DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in sanad gudihiisa la shaqaaleysiiyay 56,000 oo macallimiin ah

0
235

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu diiradda saaraya fulinta qorshayaashii horumarineed ee uu kenyaanka la wadaagay xilligii ololaha doorashada ee sanadkii hore.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay ku dadaalaysa sidii dhammaan carruurta wadanka ay fursad siman ugu heli lahaayeen waxbarashada.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa xusay in deegaannada hoose ee dalka ay ka jirto caqabadda macallimiin yarida.
Madaxweynaha dalka ayaa xaafadda Riruta ee deegaanka Koonfurta Dagoretti ee ismaamulka Nairobi ka sheegay in sanad gudihiisa la shaqaaleysiiyay 56,000 oo macallimiin ah iyadoo uu jiro qorsho lagu howlgelinaya barayaal dheeraad ah.