DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in mar dambe qof kenyaan aan loo dili doonin si sharci darro ah

0
306

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in hadda ka dib aynan gudaha wadanka ka dhici doonin in qof kenyaan ah uu naftiisa ku waayo dilalka sharci darrada ah.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli qaar ka mid ah muslimiinta wadanka ku nool uu ku casuumay munaasabad afur ah oo shalay maqribkii lagu qabtay xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi.
Ruto ayaa xusay inuu ka dhabeynaya ballanqaadkii uu sameeyay intii lagu guda jiray ololihii doorashada ee ahaa inuu soo afjari doono dilalka sharci darrada ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in muslimiinta horay loogu bartilmaameedsaday dilalka noocani ah iyadoo qiil laga dhiganaya la dagaalanka argagixisada.
Waxaa uu tilmaamay in falalkaasi oo aan la xakameyn ay keentay in meydad badan laga helo qaybo ka mid ah wadanka iyadoo aan wax faahfaahin laga bixin sida dadkaasi ay u nafwaayeen.
Madaxweynaha dalka ayaa tusaale u soo qaatay in sanadkii hore 36 meydad ah laga helay webiga Yala ee ismaamulka Siaya iyo sidoo kale ismaamulka Garissa.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale carrabka ku adkeeyay in sharciga loo siman yahay oo aan turxaan bixin la xiriirta aqoonsiga qaran lagu sameyn karin qowmiyad gaar ah.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa sheegay inay doonayaan in wadanka uu noqdo mid si buuxda nabad u ah oo aynan rabshado ka jirin isagoo madaxa mucaaradka Raila Odinga ka codsaday in isbeheysiga uu hoggaamiyo ee Azimio ay joojiyaan dibadbaxyada.

Sidoo kale waxaa uu siyaasiyiinta Azimio ugu baaqay inay fursad siiyaan shakhsiyaadka loo xil saaray ka qayb qaadashada wada hadallada si loo xalliyo arrimaha uu muranka ka taagan yahay.