DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in la qaadan doono go’aamo adag balse muhiim ah

0
504

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in sanadkan ay dowladda dhexe qaadan doonto go’aamo adag balse sida uu hadalka u dhigay muhiim ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qorshaha dowladda uu yahay in dakhliga wadanka la kordhiyo oo la gaarsiiyo ilaa 3 Tiriloyoon oo shilin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sidoo kale doorashadii guud ee dhacday 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ku tilmaamay midii ugu xasiloonida badnayd taariikhda wadanka.
Hoggaamiyaasha siyaasadeed ayuu u sheegay inay yihiin adeegayaal laga doonaya inay si hufan ugu shaqeeyaan dadweynaha iyadoo aan la eegayn xilka uu qofku hayo.
Waxaa uu intaasi ku daray inuunan marnaba ka gaabin doonin qaadashada go’aamo adag haddii ay yihiin kuwo ay ka faa’iidayaan shacabka sidoo kalena ay dani ugu jirto kobaca dhaqaale ee wadanka.