DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in la ansixiyay sanduuqa guriyeynta

0
246

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in golaha qaran ee xeer dejinta uu meel mariyay sanduuqa guriyeynta.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xeerkan uu kenyaanka u fududeyn doono in iyagoo bil kasta bixinaya lacag dhan 3,000 ilaa 5,000 oo shilin ay 30 sano ka dib guri tayo leh yeeshaan.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Mombasa ayuu xusay in lacagta dulsaarka ee uu bixinaya qofka nidaamkan adeegsanaya ay sanadkiiba tahay boqolkiiba 3 marka loo barbardhigo qiimaha suuqa kala iibsiga guriyaha oo uu ku sheegay boqolkiiba 18.
Hoggaamiyaha dalka ayaa tilmaamay inay jirto fursad lagu beddeli karo Kenya.

Waxaa uu dhanka kale ka hadlay qorshaha dowladda ee ballaarinta dekadda Mombasa isagoo sheegay in la doonayo in tirada dadka ee hadda halkaasi ka shaqeeya oo ah ku dhawaad 8,000 oo qof in la gaarsiiyo in ka badan 50,000.

Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo dhammaan madaxda iyadoo aan la eegayn garabka siyaasadeed ee ay ka tirsan yihiin.

Waxaa uu ugu dambeyn carrabka ku adkeeyay in dhammaan deegaannada hoose ee dalka laga hirgelin doono xarumaha ICT-da si dhallinyarada kenyaanka ee shaqo la’aanta ah ay dakhli uga helaan shaqooyinka casriga ee baraha online-ka.
Tani ayaa loo mari doonaa in baarlamaanka uu isbeddel ku sameeyo xeerka maareynta sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF-ta.