DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in dowladda ay xabsiga Kamiti ka billaabi doonta baadigoobka meydka Dedan Kimathi

0
308

Dowladda dhexe ayaa billaabi doonta baaritaan rasmi ah oo lagu baadigoobayo meydka Dedan Kimathi oo ka mid ahaa halyeeyadii Mau Mau ee u soo halgamay madax bannaanida Kenya .
Dedan Kimathi oo uu guumaystihii Ingiriiska dilay ayaa sanadkii 1957-kii lagu aasay xabsiga wayn ee Kamiti Maximum Prison ee magaalada Nairobi.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo shalay ka qayb galay aaska Marshal Mukami Kimathi oo ahayd xaaska halyeygan ayaa sheegay in Dedan Kimathi uu mudnaa in loo sameeyo aas qaran.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa intaasi ku daray in Dedan Kimathi uu gumeystihii aasay isaga oo gacmaha ka xiran.