Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka digay inay qabsoomaan dibadbaxyada isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ee qorsheysan toddobaadka dambe.
Waxaa uu ku celceliyay in mar dambe gudaha wadanka aysan ka dhici doonin dibadbaxyada ka dhan ah dowaladda.
Dr. Ruto ayaa xusay in sharciga uu faraya inuu ilaaliyo badqabka kenyaanka iyo hantidooda.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in aanan marnaba la oggolaan doonin dibadbaxyo sababa khasaare nafeed iyo burburita hantida shacabka.
Waxaa uu tilmaamay in mucaaradka laga doonaya inay dowladda fursad u siiyaan u adeegidda qaranka, maadaama kenyaan badan ay doonayaan in shaqo abuur loo sameeyo.
Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya iyadoo Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya uu sheegay in laga billaabo toddobaadka dambe ay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda dhexe dhigi doonaan maalmaha Arbacada, Khamiista iyo Jimcada.




