DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in dhaqaalaha laga dhigay mid xasilloon

0
257

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay u suuragashay xasilinta dhaqaalaha wadanka in kastoo siyaasiyiinta maamulkiisa dhaliilsan ay ku eedeynayaan in xaaladda dhaqaale ay sii xumaatay tan iyo markii uu Ruto hoggaanka Kenya qabtay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay ka gudbeen in miisaaniyad sanadeedka lagu maareeyo lacago amaah ah oo uu diiradda saaray sidii lagu uruurin lahaa dakhli maxalli ah si loogu qarash geliyo dhaqangelinta mashaariicda horumarineed ee dalka.
Ruto ayaa xilli uu munaasabad duco ah ku qabtay xarunta madaxtooyada yar ee Sagana State Lodge ee ismaamulka Nyeri difaacay canshuuraha dheeraadka ah ee la soo rogay.
Madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in tallaabooyinka uu maamulkiisa ku uruurinaya canshuur dheeraad ah ay sare u qaadi doonaan dakhliga wadanka.
Waxaa uu tilmaamay inuu arrimahan uga dayanaya madaxweynihii saddexaad ee dalka Mwai Kibaki oo uu sheegay inuu canshuurta u adeegsaday kobcinta dhaqaalaha dalka.

Waxaa uu intaasi ku daray inuu ka hor sanadka 2024-ka dhameystiri doono bixinta lacagihii deymaha ahaa ee uu qaatay maamulkii hore ee Uhuru Kenyatta.